Baarlamaanka gobolka Soomaalida Itoobiya ayaa maanta madaxweyne u doortay Mustafa Muxumed Cumar inuu xilka hayo muddada shanta sano ee soo socota.
Mustafa Muxumd Cumar ayaa sannidhii lasoo dhaafay sharci ahaan soo ahaa madaxweyne ku-xigeen. Hase yeeshee xisbiga uu ka tirsan yahay ee Barwaaqo ayaa ku guulaystay doorashadii bishii hore ka dhacday degaanka Soomaalida.
Inj. Maxammed Shaalle Isaaq, madaxa Xafiiska Xisbiga Barwaaqo ee Soomaalida ayaa talo ahaan u soo jeediyay in madaxweynaha Deegaanku uu noqdo mudane Mustafe si loo meel-mariyo qabyo-tirka isbaddelka horumarineed ee 3-dii sano ee la soo dhaafay Deegaanka ka hana qaaday, goluhuna si aan kala hadh lahayn ayay ugu raaceen.
Madaxweynaha DDS, mudane Mustafe Muxummed Cumar ayaa sheegay in geeddi-socodkii uu deegaanku soo maray sanooyinkii u dambeeyay uu ahaa mid xusuus gaar ah u leh bulshada, kaasi oo khaladaad iyo wanaagba lahaa.
“Isbaddalkii uu la yimid Raisal-wasaare Dr. Abiy Axmed waxa uu sababay in shacabka laga badbaadiyo hagardaamooyin lala maaganaa oo la rabay in loogu kala qeybiyo reer-reer iyo kooxaysi”
Madaxweynaha ayaa sheegay in isbaddalkii kaddib ay dhaqan-galeen xornimo iyo xorriyatul-qowl aan hore Deegaanka loogu arag oo shaqsi walba fikirkiisa iyo afkaartiisa uu si xor ah u gudbisanayo, waxaa tusaale cad u noqonaya isbaddalka dimuqraadiyadeed ee ka hirgalay Deegaanka rajada iyo yadadiilada ka muuqata shacabka Deegaanka Soomaalida” ayuu yiri madaxweynuhu
Madaxweynaha ayaa sheegay in golaha uu soo dhisi doono ay si weyn uga soo muuqan doonaan kaalinta dumarka, balse aysan dumarka noqon doonin kuwa kaalinta dumarka matala oo kaliya ee ay aqoon iyo karti ku imaan doonaan.
Gobolka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa la sheegayaa inuu yahay gobolka ugu nabad-gelyada badan dalka Itoobiya xilligan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com