Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Madaxweyne Qoor Qoor arimo Xasaasi ah kala hadlay Saraakiil katirsan AMISOM (Sawirro)

Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa maanta Aqalka Madaxtooyada ku qaabilay Taliyaha Ciidanka AMISOM ee sector 4 iyo saraakiil uu hoggaaminayay.
 
Kulanka dhax maray Madaxweyne Qoor Qoor iyo Saraakiisha ciidamada Nabad Ilaalinta u jooga dalka ee AMISOM ayaa looga hadlay dardar galinta howlaha Doorashoyinka Galmudug iyo Sugidda Amiga .
 
Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa soo Gaba gabeeyay kulamo Amni oo maalmahan uu la lahaa Saraakisha katirsan Ciidamada AMISOM ,kuwaa oo kala hadlayay sidii Galmudug gacan uga siin lahaayeen sugida amniga.
 
Kulankan ayaa kusoo aadaya xili Magaalada Guriceel ka jirto xiisad dagaal oo u dhaxeeya ciidamada Galmudug oo taageero ka helaya kuwa dowlada federaalka iyo ciidamo hubeesan oo taabacsan kooxda Ahlu Sunna.
 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Golaha Wakiillada Galmudug oo maanta ansixiyay Saddex degmo oo cusub (Sawirro)

Cabdi Cade

Taliska NISA oo shaaciyay Magacyada Saraakiil Al-Shabaab oo la laayey

Caydiid Ali

Wafdi uu horkacayo Yalchin Rafiyev oo Muqdisho soo gaaray (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---