Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Dibad baxayaal Ciidanka dalkooda ugu baaqay in Afgembi sameeyaan !!

Kumanaan dibad baxayaal ah ayaa isugu soo baxay wadooyinka magaalada Khartuum ee caasimada dalka Sudan, waxa ayna dibad baxayaashan kasoo horjeedaan dowlada talada Sudan hada heysa.

Dadka dibad baxa dhigaya ayaa sheegay in dowlada talada Sudan hada heysa  ay ku guul dareysatey wax u qabashada dadkeeda, waxaana sare u kacay sicirka raashinka quutul daruuriga iyo  shidaalka.

Dibad baxayaasha ayaana ugu baaqaya ciidanka milatariga Sudan in ay sameeyaan afgembi ay xilka uga tuurayaan dowlada hada jirta, waxa ayna shacabka banaan baxa dhigaya codsanayaan in dalka afgembi ka dhaco.

Banaan baxa ka bilowday dalka Sudan ayaa kusoo aadaya xili dhawaan uu fashilmay afgembi ay qorsheeyeen saraakiil katirsan milatariga Sudan, waxaana mar kale laga cabsi qabaa in afgembi kale dalkaasi ka dhaco.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo:-Somaliland oo jawaab adag siisay Villa Somalia & Kenya oo sheeko cusub keentay

Caydiid Ali

Rooble oo Warbixin siiyey Xassan Shiikh ka dib safarkii Imaaraadka (Sawirro)

Caydiid Ali

Caro ka dhalatay Hadal uu jeediyay Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed

Cabdi Cade
Taboola Ads ---