Allbanaadir.com
NEWS

Dhismaha Jaamacad weyn oo kutaala Muqdisho oo dab ka kacay (Sawirro)

Waxaa saakay dab xoogan uu ka kacay qeybo kamid ah dhismaha ay degan tahay Jaamacada SIU ee magaalada Muqdisho gaar ahaan xarunteeda kutaala Ex-Iskuulka Muusa Galaal oo ku dhaw laamiga Warshadaha.

Dabka ayaa qabsaday qaar kamid ah dhismaha Iskuulka oo jaamacada degan tahay , waxaana xiliga dabku ka kacayay jaamacada la sheegay in arday badan ku sugnaayeen ayna qaadanayeen xiisad.

Gaadiidka dab damiska oo gaaray Jaamacada dabku ka kacay ayaa markii dambe ku guuleestay in ay dabka damiyaan, lamana soo sheegin weli khasaaro nafeed oo ka dhashay dabkan ka kacay Dhismaha Jaamacada.

Maamulka Jaamacada SIU ayaana wali ka hadlin dabkan Jaamacada ka kacay iyo khasaaraha ka dhashay,waxaana mar qura jaamacada ka kala cararay ardaydii iyo Macalimiintii ku sugneed si dabka uga bad baadaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dilal ka dhacay xarunta taliska Howlgalka ATMIS ee Xalane iyo xiisad ka taagan

Caydiid Ali

Haweeney Dhibaato gaarsiisay Xildhibaanad katirsan golaha shacabka oo la xiray (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Sacuudiga & dalal kale oo ku dhawaaqay iney beri tahay Ciid

Caydiid Ali
Taboola Ads ---