Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Faahfaahin: Qarax Khasaare geystay oo lala beegsaday ciidamo ka tirsan Puntland

Ciidamo ka tirsan Puntland ayaa maanta lagu qarxiyey degaanka Sugurre ee duleedka Magaalada Boosaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Qaraxa ayey wararku sheegayaan in loo adeegsaday miino wadada dhinaceeda lagu aasay oo meel durugsan laga hagayey.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in kolonyo gaadiidka Ciidamada Puntland ah oo ku wajahnaa degaanka Af-urur qaraxa lala eegtay.

Askari ka mid ahaa ciidamadii la socday gaadiidkaas ayaa la sheegay inuu ku dhaawacmay qaraxaas

Wararka ayaa waxaa ay intaasi kudarayaan in Ciidamada Puntland ee qaraxa lala beegsaday ay fureen rasaas farabadan, taas oo aan wax khasaaro ah ka dhalan.

Qaraxan ayaa yimid saacado ka dib markii saaka waaberigii Al-Shabaab ay weerar madaafiic ah ku qaadeen Saldhiga degaanka Af-urur ee Gobolka Bari.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowladda oo ka hadashay Go’aankii kasoo baxay Golaha Ammaanka iyo nabadda Midowga Afrika

Cabdi Cade

Wararkii Ugu Dambeeyay Al Shabaab oo saakay la wareegtay Deegaanka Af Urur

Cabdi Cade

Ilhan Cumar oo lagu dhaliilay taageero ay u muujisay Mid ka mid ah dalalka Islaamka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---