Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamada dowlada Somalia oo dilay saddex nin iyo Warar iskhilaafsan oo ka soo baxaya

Ciidamada dowlada Somalia ayaa saddex nin ku toogtay maanta degaan ku yaalla duleedka magaalada Diinsoor ee gobolka Bay, iyadoo warar iskhilaafsana ay ka soo baxayaan waxa ay ahaayeen ragga la dilay.

Guddoomiyaha degmada Diinsoor Ibraahim Maxamed Nuur Shigshigow ayaa sheegay in ragga la dilay oo saddex ah ay saarnaayeen mooto, isla markaana laga soo furtay markii la dilay Bastoolado.

Shigshigow ayaa intaas ku daray in ragga la dilay ay ka tirsanaayeen kooxda al-shabaab in muddo ahna ay ku raad joogeen ciidamada dowlada.

Hase ahaatee qaar ka mid ah dadka degaanka iyo ehelada ragga la laayey ayaa beeniyey hadalka masuuliyiinta, waxayna intaas ku dareen in dhalinyarada la dilay ahaayeen shacab, aysana weligood ka mid noqonin al-shabaab.

Ehelada ayaa ugu baaqay Maamulka Koonfur galbeed iyo dowlada Somalia iney baaritaan ku sameeyaan arintan, waxna ka qabtaan tacadi ay sheegeen in wiilashooda lagula kacay.

Illaa hadda ma jiraan warar ka madax banaan labada dhinac oo cadeynaya xaqiiqada waxa ay ahaayeen raga la dilay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Hogaamiyaha ugu sareeya Maamulka Taliban oo markii 2aad fagaare lagu arkay

Caydiid Ali

DEG DEG: Farmaajo oo goor dhow khudbad u jeedin doona shacabka Soomaaliyeed

Caydiid Ali

Al Shabaab oo weerar ku qaaday xero ay degan yihiin Booliisa Milataare

Cabdi Cade
Taboola Ads ---