Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Raisul Wasaare Rooble oo amaanay talaabo ay qaadeen shacabka Gaalkacyo

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo khudbad ka jeediyey Xiritaanka Bandhig Buugeedka Nabadda ee Gaalkacyo Peace Book Fair ayaa ku ammaanay cid kasta oo kaalin ka geysatay bandhiggan muhiimka ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in sanado badan oo Gaalkacyo ku tilmaamneyd magaalo ay colaad iyo khilaafaadku daashadeen ay maanta dadkeedu u jeesteen nabadda, horumarka, iskaashiga iyo walaalnimada.

“Waxaa hubaal ah in waddada nabadda iyo iskaashiga bulshada Gaalkacyo ay tahay tan kaliya ee dadka iyo deegaankaba u horseedi karta horumarka. Muddooyinkii dambe oo ay Gaalkacyo ku naalooneysay nabad ka dhex jirta dadkeeda waxaa lagu tallaabsaday horumar muuqda oo gobolka oo dhan laga dareemi karo”.

Eng. Maxamed Xuseen Rooble ayaa Bulshada Gaalkacyo iyo maamulladeedaba ku boorriyay in ay iu midoobaan nabadda iyo walaalnimada, isuna kaashadaan la dagaallanka cadowgooda koowaad ee Alshabaab oo maalin kasta dilaya hal-doorka bulshada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Aas Qaran oo goordhaw loo sameeyay Marxuum Maxamed Qanyare (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Shacabka Lughaya oo wacad ku maray iney iska ka difaacayaan Itoobiya (Sawirro)

Caydiid Ali

Taliyihii ciidamada Ilaalada Madaxtooyada Puntland oo saakay dagaal lagu dilay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---