Allbanaadir.com
NEWS

Qaramada Midoobay oo shaacisay tirada dad laga soo barakiciyey Laascaanood

Qaramada Midoobay ayaa shaacisay tirada dadka ka soo jeeda koonfurta Somalia ee laga soo masaafuriyey magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Saraakiil ka tirsan xafiiska QM ee Somalia ayaa sheegay in dad gaaraya  7,250 qof laga soo barakiciyey illaa hadda magaalada Laascaanood iyagoo xusay in dadkaas qaarkood ay dhibaatooyin qabsadeen intii aaney gaarin degaanada loo masaafuriyey

Dhinaca kale, Cabdiraxiin Cali Ismaaciil Duqa Magaalada Laascaanood ee maamulka Somaliland ayaa sheegay iney soo saareen amaro cusub oo lagu xoojinayo amaanka.

Cabdiraxiin Cali Ismaaciil ayaa intaas ku daray in amarada ay soo saareen ay ka mid yihiin in maamulka dowlada hoose laga soo diiwaan geliyo dadka guryaha laga kireynayo.

Sidoo kale amarada ayuu sheegay inuu ku jiro in la xiro luuqyada u dhexeeya guryaha oo uu xusay iney gabaad ka dhigtaan dadka dilalka iyo falalka amni darada geysta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Imisaa Maalin walba laga xadi jiray canshuurta Qaadka ee garoonka Aadan cadde?

Caydiid Ali

Dhulgariiro kale oo caawa ka dhacay Turkiga & dad hor leh oo ku dhintay (Sawirro)

Caydiid Ali

Gabar Dhaqan wanaaga Saaxiibteed oo Muslimad ah awgeed Islaamka ku noqotay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---