Qarax xoogan ayaa goordhaw ka dhacay gudaha saldhiga Booliska ee magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, waxaana qaraxan ka dhashay khasaaro isigu jira dhimasho iyo dhaawac.
Wararka aan helay ayaa sheegaya in qaruxu uu ahaa miino dhulka lagu aasay oo lagu sii diyaariyay gudaha saldhiga booliiska ee magaalada Baladweyme.
Qaraxan miino ayaa wararka soo baxaya sheegayaan in uu ku dhintay duqii degmada Feer Feer halka uu ku dhaawacmay taliyaha saldhiga Beledweyne Maxamed Qoorsheel.
Waxii warar kusoo kordha kala soco wararkayaga dambe insha allah