Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Bajaajle Wado ka helay lacag gaareysa 50-kun Dollar dibna ugu celiyay qofkii lahaa !!

Nin Bajaajle ah oo u dhashay dalka Ivory Coast ayaa sameeyay ficil dad badan ku amaaneen kuwa kalana ku colaadiyeen kadib markii lacag badan uu wado ka helay dib ugu celiyay qofkii lahaa.

Emmanuel Tuloe, oo 18 jir ah ayaa wado ka helay lacag gaareysa  $50,000 oo bac ku jirtay, waxa uuna ninkan lacagta geeyay goob amaan  ah si uu u helo qofkii lahaa oo baadi goob ugu jiray lacagtaasi.

Ninkan Bajaajlaha ahaa oo duruufo uga haray iskuulkii uu dhiganayay ayaa raadiyo ka dhageestay lacagtaasi oo la baafinayo, waxa uuna go’aansaday in uu dib ugu celiyo haweeney ganacsato aheyd oo lacagtaasi iska laheyd .

Musu Yancy, oo aheyd haweeneyda lacagta ka luntay ayaa wiilkan ku abaal marisay xoogaa lacag ah iyo joodari uu ayeeyadiis u geeyay, waxa ayna wiilkan daacada ah uga mahad celisay sida uu ugu soo celiyay lacagteeda.

Emmanuel Tuloe, ayaa falkan uu sameeyay kala kulmay amaan halka dad badan oo saaxiibadiis ku jiraan ku colaadiyeen ficilka uu sameeyay kuna tilmaameen in xun oo faqri ah waligiisna nolosha adag kusii jiri doono.

“In badan ayey ii hanjabeen ,waxay ii sheegeen inaan weligey taajir noqon doonin, waxay ii sheegeen in maaddaama aan celiyay lacagtaas aan ku noolaan doono kuna dhiman doono saboolnimo,” ayuu yiri Emmanuel Tuloe.

Ninkan Bajaajlaha ayaa kula taliyay dhalinyarada asaagiisa ah ee ku shaqeesta Bajaajta in ay dib u celiyaan lacagaha iyo alaabaha kale ee helaan, waxa uuna cadeeyay in daacadnimadu ka fiican tahay tuugnimada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Xiliga ay dalka ka bilaabanayaan duulimaadyada Xajka sanadkan oo la shaaciyey

Caydiid Ali

RW Abiy Ahmed oo go’aan kama dambeys ah ka qaatay dagaalka uu kula jiro TPLF

Caydiid Ali

Xarun Degmo oo Al Shabaab ku qarxiyeen Muqdisho oo dib u dhis lagu bilaabay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---