Shirkada Apple faraceeda dalka Shiinaha ayaa qaaday talaabo si weyn uga careesiiyay musilimiinta kunool dalkaasi, kadib markii shirkada saartay App-ka caanka ah ee quraanka lagu barto ee loo yaqaan Quran Majeed.
Qoraal kasoo baxay Shirkada Apple ayey ku sheegtay in codsi uga yimid Dowlada Shiinaha uu keenay in appkan Quraanka lagu barto saaraan, waxa ayna shirkada cadeesay in ay tixgalisay codsiga uga yimid Xukuumada Shiinaha.
App-ka oo la yiraahdo Quran Majeed ayaa laga heli karaa shabakadda Apple ee dunida oo dhan, marka laga reebo Shiinaha oo hada laga joojiyay, waxaana App-kan isticmaala oo quraanka ka aqrista kana barta malaayiin qof oo daafaha dunida kunool.
Dowlada Shiinaha ayaana wali wax war ah kasoo saarin arintan lagu tuhmayo in ay ku cadaadisay shirkada Apple, waxaana dowlada Shiinaha kordhisay mudooyinkii lasoo dhaafay cadaadiska xoogan ay ku heeso muslimiinta kunool dalkaasi.
Shirkada Apple talaabada ay ku joojisay App-ka Quraanka ee Majeed waxaa ka carooday muslimiin badan oo kunool dalka Shiinaha, Shirkada Apple ayaana ka cabsi qabta in muslimiin badan ka caroodaan talaabadan ayna shirkada lumiso macaamiil badan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com