Allbanaadir.com
NEWS

(Daawo Sawirro) Duqa Muqdisho & khubaro Turki ah oo ka wada hadlay Mashaariic laga fulinayo caasimadda

Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa xafiikiisa ku qaabilay khubaro iyo Injineero ka socday dalka Turkiga, waxana uu kala hadlay sidii ay dawladda hoose uga caawin lahaayeen dib-u-dhiska Caasimadda.

Guddoomiye Eng. Yarisow ayaa sheegay in ujeedka injineerada iyo khubaradan u casuumeen ay tahay sidii ay dib ugu howlgelin lahaayeen xarunta gaadiidka iyo dayactirka Warshadda sameysa laamiyada, Interlogga, bulukeetiga iyo sidii ay gacan uga geysan lahaayeen Qorshaha magaalada (Master Plan).

“Waxaa maanta Muqdisho nagu soo booqday Injineero iyo khubaro ka socday Turkiga, ujeedkuna waxuu yahay in laga wada shaqeeyo horumarinta Caasimadda, gaar ahaan fulinta mashaariic horumrineed iyo in dib loo howlgeliyo xarunta Gaadiidka Gobolka Banaadir oo muddooyinkaan aan shaqeyn, sidoo kale waxaan isla garanay in warshadda sameysa laamiyada, Interlogga iyo Bulakeetiga oo dhammaantood muhiim u ah dib u soo kabasha Caasimadda.”Ayuu yiri Eng. Yarisow.

Duqa Muqdisho iyo khubarada ka socotay Turkiga ayaa isla qiray baahida loo qabo in mashaariic horumarineed Caasimadda laga hirgeliyo sida dhismaha wadooyinka, guryaha iyo mashaariico kale oo shaqo abuur u noqoneya dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku nool Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Baarlamanka Puntland oo qorsheynaya talaabo sii hurin karta khilaafka doorashada

Caydiid Ali

Dawada Covid-19 oo Lasoo Jeediyay Ma Nin Buka Boqol U Talisay Baa Mise Rajo Dhab ah ?

Cabdi Cade

Sarkaal ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab oo howlgal lagu dilay (Magaciisa)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---