Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Shirkad Diyaaradeed oo 75-sano kadib Hawada ka baxday iyo Sababta keentay !!

Shirkadda diyaaradaha ee Alitalia waxay xalay soo gebagebeysay Duullimaadyadii, iyadoo Socdaalkii u dambeeyey xalay ku sii khatintay Duullimaad ay isaga kala gooshtay magaallooyinka Cagliari iyo Rome.
 
Shirkadda oo ku-dhawaad 75 sano shaqaynaysay waxaa tan iyo sanadkii 2008-dii ku soo jirtay Xaallad Khasaaro leh, waxaana la soo gudboonaatay Musuq, Dhaqaale-Xumo iyo Miisaaniyad La’aan ay ugu dambeyntii la turunturootay, oo ay Hawada kaga baxday.
 
Shirkadda Alitalia waxaa si rasmi ah Maanta ula wareegtay Shirkadda Cusub ee ITA oo u taagan Italia Transporto Aereo.
 
Magaca Astaanta Xuquuqda ee Alitalia waxaa la sheegay inuusan weli dhiman, inkastoo Shirkadda cusub ee ITA iibsatay saamigii Shirkadda Alitalia iyo dhamaan Diyaaradihii Shirkadda Alitalia oo ay Dowladda Talyaaniga lahayd.
 
Shirkadda cusub ee ITA waxay sheegtay inay la wareegtay 2,800 oo Shaqaale oo ka mid ahaa 10,000 oo Shaqaale u diiwaan gashanaa shirkaddii Alitalia.
 
Bishan October 1-dii, Shaqaalaha Shirkadooda Diyaaradaha ee Alitalia waxay dhigeen Dibadbaxyo ay kaga soo horjeedaan Iibinta Shirkadda Alitalia iyo shaqo la’aanta soo wajahday inta badan Shaqaalaha Shirkadaasi.
W/Q Ustaad Nuuradiin

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada oo gacanta ku dhigtay Dhagax Qaali ah oo laga soo helay Deegaanka Ceel Cali

Cabdi Cade

(Sawirro) Danjire Maxamed Sheekh Isaaq oo laga gudoomay Warqadaha aqoonsiga

Caydiid Ali

Fiqi iyo Jibriil oo Doha kaga qeyb galaya shir ay Soomaaliya ku soo bandhigtay..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---