Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Saraakiil ka badan 160 oo Soomaaliya loo soo dirayo iyo sababta ka dambeysa

Mas’uuliyiinta dalka Uganda ayaa sheegay in bisha Disembar ee soo socota ay Soomaaliya u soo diri doonaan 160 askari oo boolis ah, si ay uga qeyb qaataan howlaha AMISOM  ee nabad -ilaalinta  dalka.

Saraakiisha ayaa dhameystay tababar socday muddo lix bilood ah oo loogu diyaar garoobay in ay ka qeybqaataan howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), sida ay sheegeen booliska dalkaasi.

Saraakiishu waxay ka shaqeyn doonaan maareynta kala dambeynta dadweynaha, ilaalinta shaqaalaha Midowga Afrika (AU) iyo taageeridda hawlgallada bilayska ee u baahan jawaab celin degdeg ah.

Uganda ayaa billowday inay ciidamo Booliis ah keento Soomaaliya bishii July ee sannadkii 2012 -kii kaddib markii 2007 –dii,ay horay u soo dirtay ciidamo ka tirsan kuwa difaacaoo haatan ka howgala meelo ka mid ah dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Haweenka Gedo oo hubka u qaatay in ay isaga difaacaan ciidamada Kenya (Sawirro)

Cabdi Cade

Maraykanka oo ka hadlay shirka Muqdisho uga furmaya Madaxda Soomaalida

Caydiid Ali

DFS oo shaacisay in aan go’aan laga gaarin dalalka kamid noqonaya howlgalka AUSSOM

Cabdi Cade
Taboola Ads ---