Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Xog cusub oo ku saabsan shaqsiyada ninkii habeen hore dadka ku laayey dalka Norway

Waxaa soo baxaya xog dheeraad ah oo ku saabsan Espen Andersen Bråthen oo ah 37 sano jir Denmark u dhashay kaasoo qaatay diinta islaamka shan qofna ku dilay magaalada Kongsberg ee dalka Norway.

Hey´adda sirdoonka Norway ayaa hada baaritaan la xiriira kiiskan, waxaana wali cadeyn in ninkan uu caafimaad ahaan dhameystiran yahay iyo inkale.Ninkan oo boolisku ay horey aqoon ugu lahaayeen ayaa weerarkan u adeegsaday falaar iyo qaanso.

Booliska ayaa xaqiijiyay in dadka uu ninkan dilay ay da´ahaan ahaayeen dad waayeel ah oo u dhaxeeyo 50 ilaa 70 sano. Waxayna sheegeen inuu dadka uu dilay qaarkood oo ugu galay gudaha guryahooda oo halkaas ku dilay.

Ninka weerarka geystay ayaa asal ahaan u dhashay dalka Denmark, balse wuxuu ku dhashay kuna koray Norway. isagoo aan wax xiriir ah la laheyn dalka ay hooyadiis iyo aabihiis kasoo jeedaan ee Denmark.

Baraha bulshada waxaa laga helay muuqaalo uu ninkan galiyay internetka kuwaas oo ku hanjabay inuu geysan doono weerar uu dad ku dilo. Waxaana horey laamaha amaanka loogu wargaliyay kiiska ninkan. Isaga oo sidoo kale dil ugu hanjabay xubno katirsan qoyskiisa gaarka ah, waxaana lagu xukumay inuusan mudo lix bilood ah booqan guriga reerkiisa.

Booliska ayaa dhanka kale xaqiijiyay in ninkan uu qaatay diinta islaamka, waxayna sheegeen inay ka cabsi qabaan in la xagjireeyay ama maskaxda laga dhaqay. Dhanka kale ninkan ayaa horey muuqaal uu soo galiyay Youtube-ka u sheegay inuu qaatay diinta islaamka, isaga oo u digay dadka, sheegeyna inuu yahay qof lasoo diray oo fariin wada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Jubbaland oo war kasoo saartay Shirka uu Iclaamiyay Farmaajo talana soo jeedisay

Cabdi Cade

Ciidamada Macawuusleyda oo dagaal kula wareegay Deegaan Al Shabaab maamulayeen

Cabdi Cade

Madaxweyne Laftagareen oo kulan degdeg ah la qaatay Odayaasha Dhaqanka Baydhabo (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---