Allbanaadir.com
NEWS

Xareynta Ergada Dooraneysa Xildhibaanada Golaha Shacabka oo laga shiray (Sawirro)

Magaalada Muqdisho waxaa sadexdii maalin ee lasoo dhaafay ka socday shir ay lahaayeen Guddiga Doorashada Heer Federaal iyo guddiga Doorashada Heer Dowlad goboleed , shirkan ayaana looga arinsanayay dhameestirka doorashada.

Guddiga Doorashada Heer federaal iyo heer dowlad goboleed ayaa shirkooda diirada ku saaray sidii loo guda gali lahaa doorashada Xildhibaanada Aqalka Hoose gaar ahaan xareynta ergada Dooraneysa Xildhibaanada.

Gudoomiyaha Guddiga Doorashada Heer federaal ayaana kula dar daarmay xubnha kale ee guddiga doorashada heer federaal iyo heer dowlad goboleed in ay u diyara garoobaan qabashada doorashada Aqalka Hoose iyo xareynta ergada dooraneysa Xildhibaanada.

Doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare ayaa hada mareysa heer gabo gabo ah, waxaana wali muuqan diyaar garow ku aadan qabashada doorashada Aqalka Hoose oo ugu horeyso in marka hore la xareeyo Odayaasha iyo Ergada Xildhibaanada dooraranaya.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Ciro oo dhaqan geliyey Miisaaniyad ku dhow afar Trilyan

Caydiid Ali

Xukun adag oo lagu riday nin qarax Muqdisho kusoo galinayay Mooto Bajaaj

Cabdi Cade

(Sawirro) Dab Quruxdii Los Angeles u bedelay Gaza oo kale

Caydiid Ali
Taboola Ads ---