Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Laftagareen oo Balan qaad u sameeyay dadkii laga soo Masaafuriyay Laascaanood (Sawirro)

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Qasriga Madaxtooyada Magaalada Baydhabo ku qaabilay Gudiga Taakulaynta Walaalaha laga soo musaafuriyey Magaalada Laascaanood ee Maamulka Soomaliland.
 
Madaxweynaha ayaa ugu horeyn warbixin ku saabsan waxyaabaha u qabsoomay ka dhagaystay Gudiga waxaana ay tilmaameen in waxba ay ku guuleysteen sida helida goobo ku meel gaar ah oo ay dejiyeen Barakaciyaasha ka warqabka Caafimaadkooda iyo Noloshooda.
 
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Umahadceliyey Gudiga.
 
“Waxaan idinkaga mahadcelinayaa garab istaagaa aad u-muujiseen walaalaha laga soo musaafuriyey magaalada laascanood ee maamulka soomaliland dadaalka wadajirka aad geliseen waa mid mudan amaan iyo bogaadin, kan dowlad ahaan waxaa naga go’an in sida ugu dhow aan wax ugu qabano shacabka masakiinta ah ee sida qaabka daran loola soo dhaqmay inagoo kaashanayna dowlada federaalka iyo saaxibada beesha caalamka.
 
Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen ayaa xusay in sida ugu dhow Dadka lasoo Musaafuriyey Magaalada Laascanood ee Gobolka Sool loogu samayn doono dib udejin iyo Weliba ka Warqab.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Jabhada TPLF oo sameeyay ficilo aan horey looga baran !

Cabdi Cade

Maxey Yihiin Ciidanka Gadoodsan ee PSF, yey hoostagaan yaana siiya Mushaarka ?

Cabdi Cade

Koonfur Galbeed oo shaacisay doorashada 11-kursi oo ka dhaceysa Baydhabo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---