Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Haweeney guulo ka soo hoysay Ciyaarihii Olomikada oo Meydkeeda la helay

Agnes Tirop, oo heysata rikoorka adduunka, taasoo u dhalatey Kenya, ayaa laga helay meydkeeda gurigeeda, kaasoo ku yaalla magaalo dhacda galbeedka Kenya, oo la yiraahdo Iten.

Booliiska ayaa sheegay in ninkii ay u dhaxdey uu yahay qofka koowaad ee loogga shakisan yahay dilkeeda.

Laba jeer oo ay ku guuleysatey biladda Naxaasta ee Ciyaaraha fudud ee dunida, iyadoo kaalinta afraad ka gashey ciyaarihii kama danbeysta ee Olympic-kada, oo la ordayey masaafo dhan 5,000m, kuwaasoo dhamaadey laba bilood ka hor. Waxey dhawaan noqotey 25 sano jir.

Baaritaan danbi ayaa haatan lagu bilaabey dhimashada gabadhan, iyadoo booliisku ay sheegeen in ninkeedii la waayey.

Arbacaddii oo maanta ah, baarayaasha dambigani ayaa waxey tageen guriga Tirop, taasoo booliisku ay sheegeen in aabaheed waa gabadha dhimataye, lagu soo war galiyey in isna la waayey habeenimadii Talaadada.

Tom Makori, oo ah madaxa booliiska ee agagaarka ay dhibaatadu ka dhacdey, ayaa sheegay markii booliisku ay gaareen guriga, waxey ka heleen meydka Tirop oo saaran sariirta, waxaana jirey dhiig badan oo daad sanaa dhulka.

Booliiska ayaa intaa ku darey in gabadhani lagaga dhuftey mindi qoorta, iyadoo halkaasi uu kasoo gaarey, lana rumeysan in taasi tahay waxa sababey dhimashadeeda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ruushka oo Dagaalka Ukraine u adeegsanaya Gantaalo halis ah uu ka helay Kuuriyada Waqooyi

Cabdi Cade

Mas’uuliyiin iyo Siyaasiyiin caan ah oo ka falceliyey go’aankii ka soo baxay Golaha Wasiirada

Caydiid Ali

DEG DEG: Guddoomiye degmo oo caawa la dilay iyo faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---