Mumina Eroba oo Booliiska Kenya madaxeeda dul dhigeen Hal Milyan oo Shilin muddo Bil ah ka hor ayaa isku soo dhiibtay laamaha ammaanka ee dalkaasi.
Haweeneydan ayaa lagu eedeeyey inay ka tirsan tahay Al-Shabaab, waxaana lagu eedeeyay inay wax ka qorsheysay weerarkii Bishii February ee sanadkan ka dhacay Tuulada Qarsa oo ka tirsan Wajeer, halkaasoo ay ku dhinteen saddex qof oo laba ka mid ahi ay ahaayeen Macallimiin.
Madaxa amniga gobolka waqooyi-bari Kenya, Maxamuud Saalax ayaa Jariiradda The Star u sheegay in isa soo dhiibista Haweeneydani ay guul weyn u tahay dagaalka lagula jiro Shabaab.
Mss. Eroba, ayaa ah Hooyada Cabdiwahab Cusmaan Axmed, oo isna lala xiriirinayo weerar ay ku dhinteen 8 Askari oo ka dhacay Wajeer ayaa hay’adaha amnigu weli raadinayaan.
Kenya ayaa wadda qorshe lagu wacyi gelinayo Bulshada qaybaheeda kala duwan oo ku aaddan sidii looga feejignaan lahaa xubnaha dadka ka dhaadhiciya fekerka argagixisanimada ee ka tirsan Al-Shabaab.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com