Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Dowlad Dhisaneysa Ciidan il maqabato ah si ay isaga difaacaan Ciidamada Mareykanka

Dowlada Kuuriyada Waqooyi ayaa ku mashquulsan dhismaha ciidamo adag iyo sameesashada hub casri ah si ay isaga difaacaan dowlada Mareykanka iyo dowladaha kale ee colaada kala dhaxeyso.

Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un  oo ka qeyb galayay dhool tus ay soo bandhigayeen ciidamada Kuuriyada Waqooyi ayaa wacad ku maray in dhisanayaan ciidamo adag oo il maqabato ah si ay uga hortagaan daan daansiga Mareykanka.

Waxa uu sheegay Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi in Ciidamada dalkiisa awood badan leeyihiin ayna hada sii dhisayaan ciidamo kale oo adag uu sheegay in ay kahor tagayaan colaadinta Mareykanka iyo xulufadiisa.

Kim Jong-un ayaa cadeeyay in dalkiisu sameestay hub casri ah iyo gantaalo nuucyo kala duwan ah, waxa uuna xusay in sameesashada hubka uu yahay is difaacid balse uusan aheyn mid dagaal.

“Mar dambe ka hadli mayno dagaal aanu cidna la galno, laakiin waxaanu ka gaashaamanaynaa dagaalka oo kordhinta hubkuna waa ka hor tag dagaal oo qarankayaga ayaanu ilaalinaynaa” ayuu yiri Kim Jong-un.

Hogaamiyaha mayalka adag ee Kuuriyada Waqooyi ayaa ku eedeeyay dowlada Mareykanka in ay colaad ka shaqeeneyso, waxa uuna si gaar ah ugu eedeeyay Mareykanka in colaad colaad ka dhax abuurayo Labada Kuuriyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/07Ex1nDD79g

Related posts

Maamulka gobolka Banaadir oo amray in laga guuro dhul kuyaalla Muqdisho

Cabdi Cade

Baarlamanka Somalia oo ku dhegan Wasiirkii amray in la xiro Tiktok iyo aalado kale

Caydiid Ali

Puntland & Jubbaland oo si wadajir ah u soo saaray War- murtiyeed (Mowqifka Shirka Dhuusamareeb)!!

admin
Taboola Ads ---