Taliyaha Ciidamada Xooga Dalka General Odawaa Yuusuf Raage ayaa galabta ah gaarey Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug.
Taliye odawaa oo ay wehliyeen Saraakiil ciidan ayaa la filayaa inuu la kulmo Madaxwaynaha Galmudug iyo saraakiisha talisyada kala duwan ee ku sugan caasimada.
General Odawaa Yuusuf Raage kama hadlin ujeedada socdaalka uu ku tagay Dhuusamareeb.
Booqashada taliyaha ayaa ku soo aaday xili uu jiro dhaqaaq ciidan iyo guluf dagaal oo ka dhan ah kooxaha hubeysan ee taabacsan Macalin Maxamuud iyo Sheikh shaakir kuwaa oo 12-maalmood kahor la wareegay Degmada Guriceel.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com