Allbanaadir.com
MUQDISHONEWSSOUTH WEST

Xasan Sheekh Maxamuud oo Walaaca ay qabaan Musharaxiinta u gudbiyay Laftagreen (Sawirro)

Waxaa xalay magaalada Muqdisho kulan gaar ah ku qaatay Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed iyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud .

Kulankan oo ka dhacay hoyga uu magaalada Muqdisho ku leeyahay Madaxweyne Hore Xasan Sheekh Maxamuud ayaa looga hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka gaar ahaan arimaha doorashooyinka la filayo in ay dalka ka dhacaan.

Madaxweyne hore Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u gudbiyay Madaxweyne Lafta gareen walaaca Midowga Musharaxiinta uu ka tirsan yahay ay ka qabaan dib u dhaca ku yimid doorashada dalka .

Laftagareen ayaana la sheegay in dhankiisa u sharaxay Xasan Sheekh Maxamuud caqabadaha taagan ee keenay dib u dhaca doorashada dalka, waxa uuna u sheegay in maamulkiisa u diyaar garoobayo qabashada doorashada Aqalka Hoose.

Jadwal doorasho oo horey usoo saareen golaha Wadatashiga Qaran ayaa fashilmay , mana jiro jadwal kale oo ay soo saareen golaha Wadatashiga Qaran oo hada madax u ah Hogaaminta doorashada dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ganacsade Soomaali ah oo muddo todobaad ka badan lagu la’yahay dalka kenya

Caydiid Ali

Haweeney dhowaan ninkii qabay ku gubtay Muqdisho oo gacanta lagu dhigay

Caydiid Ali

Dayuurado duqeeyey goobo shidaalka laga soo saaro oo ku yaalla Sacuudiga

Caydiid Ali
Taboola Ads ---