Allbanaadir.com
NEWS

Dawlada Turkiga oo kordhineysa Taageerada ay siiso Ciidanka Soomaaliya (Daawo Sawiro)

Dawlada Turkiga ayaa balan qaaday inay kordhin doonto taageerada dhinaca tababarada ay siiso ciidamada Dowlada Soomaaliya gaar ahaan kuwa Milatariga.

Wasiirka Gaashaandhiga dawlada Federaalka Soomaaliya Xasan Ali Amardanbe ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka turkiga ufadhiya Soomaaliya iyo saraakiil milatari, masuuliyiinta ayaa kawada hadlay hawlaha ay turkidu kawdaan saldhiga ay kuleeyihiin duleedka muqdisho.

Wasiir Amar danbe ayaa uga mahad celiyay kaalinta ay turkidu ka qaadanayaan in dib udhis lagu sameeyo ciidamada Soomaaliya. Dawlada Turkiga ayaa tababaro ku siisa saldhiga ay Soomaaliya ku leedahay ciidamada Soomaalida , waxay sidoo kale dalkeeda ku tababartaa saraakiil ka tirsan ciidamada qalabka sida ee soomaaliya.

Wasiirka gaashaandhiga xukuumada Soomaaliya ayaa ku amaanay dawlada turkiga sida ay mar walba ugarab taagan tahay dawlada iyo shacabka Soomaaliyeed.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Golaha ammaanka ee QM oo dowlada Somalia ku amaanay arrin muhiim ah

Caydiid Ali

Waxaa Dhab ah in deegaanada maamulka Puntland uu jiro Nidaamka 3.5

Cabdi Cade

Jeneraal Xuud oo maanta imaanaya Muqdisho lana kulmaya Madaxweyne Farmaajo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---