Allbanaadir.com
NEWS

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay magaalada Queenstown iyo Faah Faahino kasoo baxaya

Kooxo burcad hubeesan ayaa xalay deegaanka Qamata oo hoostaga magaalada Queenstown ee dalka Koonfur Afrika ku dilay Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabayay Liiban Faarax Kheyre (Liiban Copy).

Sida aan wararka ku helnay burcada ayaa muwaadinkan Soomaaliyeed ku weeraray goobtiisa ganacsi uu ku sugnaa, waxaana dilka kadib la sheegay in burcada goobta isaga  baxsadeen.

Ciidamo katirsan booliiska dalka Koonfur Afrika oo gaaray goobta uu dilku ka dhacay ayaa ku guul dareestay soo qabashada burcadii dilkaasi geestay, waxa ayna ciidamada sheegeen in ay wadaan baaritaano.

Magaalada dilku ka dhacay oo Soomaali badan ganacsiyo kala duwan ku leeyihiin ayaa kamid aheyd goobaha xasiloon oo inta badan aan lagu beegsan Soomaalida, waxaana dilkan cabsi badan ku beeray ganacsatada Soomaaliyeed ee halkaasi kunool.

Dalka Koonfur Afrika sanadihii ugu dambeeyay waxaa ka dhacay dilal badan oo loo geestay Soomaali dalkaasi u tagtay nolol in ay ka helaan, mana jirto cid wax ka qabata dilalka iyo dhaca joogta ah ee Soomaalida loogu geesto dalkaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Midowga Musharaxiinta oo war kasoo saaray Shirka uu ku baaqay Ra’isul Wasaare Rooble

Cabdi Cade

Diyaarad Rakaab siday oo Goordhaw ku bur burtay magaalada Semirom 

Cabdi Cade

(Akhriso) Xog cusub iyo warbixino dheeraad ah oo laga helay dilkii Marxuum Axmed dowlo

Caydiid Ali
Taboola Ads ---