Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Soomaalida ku nool Kenya oo looga digay iney u dabaaldegaan go’aanka Badda

Iyadoo maalinta beri ah la filayo in Maxkamadda Cadaallada Adduunka ee ICJ ay go’aan ka gaarto dacwadda xuduud badeedka u dhaxeeya dalalka Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxaa qaar ka mid ah culimada Kenya ay dadka Soomaalida ah ee ku dhaqan dalkaas uga digayaan inay sameeyaan wax dibad bax ah dhinac kasta oo go’aanku u dhaco.

War ay soo saareen ayey ku sheegeen culimadu in si looga fogaado isku dhac qowmiyadeed oo dhibaato iyo khasaare abuura aan la sameynin isku soo baxyo.

Madaxa golaha sare ee Muslimiinta dalka Kenya Dr. Aadan Yoonis Sheekh Ibraahim ayaa sheegay in warka ay soo saareen uga gol leeyihiin in meesha laga saaro khasaare kasta uu sababi karto natiijada maxkamadda.

“Banaanbax murugeed iyo mid farxadeed labadaba waa ka digeynaa, waayo cabsida aan qabno ayaa waxay tahay iney dhib u keenaan banaanbaxyada masaalix badan oo Soomaalida ku leedahay dalka Kenya,” ayuu yiri Dr Aadan Yoonis.

Dhinaca kale, Soomaalida ku nool magaalada Nairobi ayaa waxaa soo food saaray cabsi walaac la xiriira iney la kulmaan weeraro lagu beegsanayo oo la xiriira go’aanka badda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Rooble oo Kismaayo kula shiray waxgarad iyo Siyaasiyiin ka soo jeeda Gedo (Sawirro)

Caydiid Ali

Muxuu salka ku hayaa dagaalka ka dhacay magaakada Baraawe, yuusa u dhaxeeyay ?

Cabdi Cade

Taliyihii hore ee ciidanka asluubta oo kashifay sababta xilka looga qaaday

Caydiid Ali
Taboola Ads ---