Allbanaadir.com
NEWS

Goob ay ka socotay doorashada golaha degaanka Baraawe oo la weeraray

Iska horimaad Khasaare geystay ayaa goor dhow ka dhacay goob ay ka socotay doorashada golaha degaanka degmada Baraawe ee gobolka Sh/hoose.

Sida wararku sheegayaan iska horimaadka ayaa bilowday markii ay fooda isdareen ciidankii dowlada ee Ilaalada ka ahaa goobtaas iyo maleeshiyo soo weerartay.

Tacshiirad xoogan ayey labada dhinac ay goobtaas isku weydaarsadeen taasoo socotay muddo daqiiqado ah.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in iska horimaadkan uu ku dhintay qof shacab ah, halka askari ka tirsan ciidamada dowlada uu ku dhaawacmay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in iska horimaadkan uu salka ku hayo tabasho ay beelaha degaanka qaarkood ka qabaan habka loo dhisayo golaha degaanka iyo maamulka degmada Baraawe.

Xaalada ayaa degan, waxaana goobtaas gaaray ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM ee fariisimaha ku leh duleedka degmada Baraawe oo hadda sugaya amniga, maamulka degmada iyo kan gobolka ayaana weli ka hadlin iska horimaadkan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Askari Shukaansi lagu soo qabtay oo Xukun adag lagu riday

Cabdi Cade

Ciidamada Galmudug oo gacanta ku dhigay hub badan oo loo waday Ahlu Sunna

Cabdi Cade

Qorshaha Turkiga ee Afganistan oo is bedelay iyo Wadahadalo cusub oo bilowday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---