Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Qarax lagu weeraray Sarkaal ka tirsan Jubbaland oo ka dhacay Magaalada Kismaayo

Qarax ayaa la soo sheegayaa inuu maanta barqadii ka dhacay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa oo ka dhashay miino la aasay uu ka dhacay afaafka hore ee Dhisme uu degan yahay sarkaal ka tirsan Nabad sugida Jubbaland, kaasoo ku yaalla xaafada Farjano.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in qaraxa sida muuqata la doonayey in lagu dilo sarkaalka uusan geysan khasaare nafeed marka laga reebo burbur soo gaaray dhismaha.

Ciidamada amaanka Maamulka Jubbaland ee Magaalada Kismaayo ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay halkaasoo ay ka wadaan baaritaano kala duwan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Gudoomiye ku-xigeenkii hore ee Gobolka Banaadir oo Xildhibaan loo doortay (Sawirro)

Caydiid Ali

Suuragal ma tahay in Ciidanka Dowlada ay shan bilood ku soo afjaraan Al-shabaab?

Caydiid Ali

Dal ay ciidamo ka joogaan Somalia oo hawada u diray Dayax gacmeed (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---