Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa meesha ka saaray jiritaanka heshiis ay wada galeen Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya, kadib booqashadii uu Muqdisho ku yimid Ra’isul Wasaaraha Itoobiya.
Xasan Kheyre ayaa tilmaamay in Ra’isul Wasaaraha Itoobiya markii uu yimid Muqdisho lagu soo dhaweeyay wadahadalna la qaatay Madaxda dowlada, waxa uuna beeniyay in heshiis qarsoodi ah galeen dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya.
Waxa uu sheegay in aysan marnaba dowlada galeyn heshiis aan laga baaran dagin oon qiimeyn badan lagu sameyn, waxa uuna cadeeyay in aysan jirin heshiisyo waa weyn oo dowladu gashay intii uu xilku hayay.
Ra’isul Wasaaraha ayaa sheegay in aan sharci laga dhigi karin Heshiis aan loo keenin Xukuumada iyo golaha Wasiirada sidoo kale aysan meel marin golaha Baarlamaanka Madaxweynuhuna uusan saxiixin.
”Sharci maahan heshiis aan lasoo marsiin Xukuumada sidoo kale aan loo geyn Baarlamaanka Madaxweynuhuna uusan saxiixin, ma rabno wax wax la qarqariyo dalkeeda sidii dunida ugu soo laabto waa inaan ku shaqeynaa nidaam isla xisaabtan,” Ayuu yiri Kheyre oo la hadlay Jaaliyada Soomaaliyeed ee kunool Norwey.
Ra’isul Wasaare Kheyre ayaa sheegay in ay jiraan dad kasoo horjeeda dowladnimada iyo horumarka dalka kuwaa uu sheegay in waxyaabo aan fiicneyn ay kusoo qoraan baraha bulshada gaar ahaan Facebook.
Hadalka Kheyre ayaa kusoo aadaya xili Booqashadii Ra’isul Wasaaraha Itoobiya ku yimid Muqdisho kadib la sheegay in dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya galeen Heshiis qarsoodi ah oo xasaasiyad badan abuuray.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com