Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Akhriso) DF oo amar cusub ka soo saartay Shahaadada safarka ee COVID-19

Wasaaradda Caafimaadka Somalia ayaa ka mamnuucday Isbitaalada gaarka loo leeyahay ee Muqdisho bixinta shahaadada safarka ee COVID-19.

Qoraal ka soo baxay Wasaarada ayaa waxaa lagu sheegay in shahaadada talaalka iyo mida baaritaanka ee cudurka COVID 19 ay bixin karto oo kaliya Wasaarada

Hoos ka akhriso qoraalka Wasaarada Caafimaadka.

CADEYN SHEYBAARADDA LOO IGMADAY BIXINTA SHAHAADADDA BAARISTA COVID19

09 October  2021

Wasaaradda Cafimaadka Iyo Daryelka Bulshada Waxay mas’uul katahay Ilaalinta Iyo Bixinta Shahaadada baarista Covid-19 ee la sinayo Dadka ka dhoofayo Dalka. Wasaarada Caafimaadka waxay ogolaansho shaqo siisay shaybaaro gaar loo leeyahay oo leh awooda baarista Xanuunka COVID19, sheybaaradaas oo soo buuxiyay shuruudahii wasaaradda ay u dajisay tayada baarista ee xanuunksa COVID19.

Hadaba waxaa lagu wargalinayaa dadka ubaahan barista COVID19 si ay u safraan in ay adeegyada baarista u doontaan goobaha iyo xarumaha sheybaarada ay wasaaraddu siiay ogolaanshada oo uu adeegi doono bushada lacag dhan $ 30 dollar sida lagu cadeeyay heshiiska  adeeg bixinta ee labada dhinac.

F.G: Isbitaallada Dowlada waxay barista COVID19 u samayn doonaan oo kaliya dadka xanuunsanaya ama ay Takhaatiirtu uga shakiyeen inuu qabo xanuunka balse ahayn ujeedo baris safar ee COVID19, halka dadka safraya lagu baarayo  xarumaha sheybaarada ay wasaaraddu siisay ogolaanshada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Raisul Wasaare Rooble oo kulan xasaasi ah la qaatay Khayre iyo Shiikh Shariif

Caydiid Ali

Daawo Sawirada:Khayre oo ka Qeyb Galay Xafladda Dhameestirka Soo Wareejinta Maamulka Hawada Somalia

Cabdi Cade

Ninkii ka dambeeyay Afgembiga dalka Mali oo Saxaafada kasoo muuqday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---