Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweynihii hore ee Somalia oo soo bandhigay Qodobo lagu xalin karo dagaalka Tukaraq

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale ka hadlay dagaalka kusoo noq noqday Deegaanka Tukaraq ee u dhaxeeya Maamulada Somaliland iyo Puntland.

Waxa uu soo bandhigay Xasan Sheekh Qodobo dhowr ah uu aaminsan yahay hadii la hergaliyo in lagu xalin karo colaada ka aloosan Deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, waxa uuna baaq u diray qeybaha kala duwan ee bulshada Somaliland iyo Puntland.

Halkan ka Akhriso Qoraal uu soo saaray  Xasan Sheekh

 

Iyadoo Soomaalidu ay duruufo gaar la tacaaleyso billowga qarniga 21aad, ayaa haddane degaannadu xaalkoodu kala duwan yahay.

Duruufaha dadka Soomaalida ay la tacaalayaan waxaa ka mid ah Abaaro, fatahaad iyo colaado, hase yeeshe gundhigga dhibaatooyinka oo dhan waxay ka soo butaacayaan hal il oo ah dowlad xooggan oo ralli laga wada yahay lana wada aqbalsan yahay oo meesha ka maqan.

Si kastaba ha ahaate, dhibaatooyinkaas aan kore ku so xusay iyo kuwa kaleba waxay CAQABAD ku yihiin badbaadada shacabka ay daashadeen colaaduhu kuwa hore iyo kuwa dambaba haddaba hoggaamiyayaasha maanta ee heer kasta leh ha qaateen hana tixgeliyeen mabda’a ah “HA UGA DARIN HADDII AADAN DAWYN KARIN”

Qormadaan kooban waxaan rabaa inaan uga hadlo arrinta XANUUNKA badan ee ka socota tuulada yar ee TUKARRAQ.

In ka badan 30 sano waayo aragnimo ah ayaan u leenahay in khilaafyada lagu xalliyo CUDUB CIIDAN lagumana soo guuleysan mar qura. Haddaba, walaalaha isfaham waagu u dhaxeeyo waxaan ugu baaqayaa qodobada soo socda:

1. Xabbad joojin degdeg ah iney ku dhawaaqaan oo ay NABADDA ku dhiirradaan.
2. In ciidamada ay kala qaadaan si fursad lagu wada hadlo u abuuranto.
3. Ka dibne la billaabo wada hadal dhexdooda ah oo ay hoggaaminayaan dhexdhexaadiyaal iyo fududeeyaal Soomaali ah o oka dhaca TUKARRAQ lafteeda
4. Waxaan si gaar ah farta ugu fiiqayaa isimada, culumaa’uddiinka iyo ganacsatada iney si gaar ah ugu istaagaan arrinka isna doontaan iyagu oo waxaan leeyahay magaciin ha jiro e berri NABADDA YAAN DIBADDA LAGA JIRIN
5. Inta dadaalladu socdaan, dhinacyadu waa iney joojiyaan hadallada XANAFTA leh ee danqinayo boogihii hore laguna baddalo hadallo ka tarjumayo Soomaalinimada.

Waxaan ku soo gabagabeynayaa qormadaan kooban:

“WALAALAYAAL WAXA AAN ISKU NAHAY AYAA AAD UGA BADAN WAXA AAN KALA NAHAY EE CAQLIGU HA TALIYO”.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada oo shaacisay cida ka dambeysay Afduub Haweeney Jarmal ah loogu geestay Muqdisho

Cabdi Cade

Guddiga maamulayada Batroolka Soomaaliya oo la magacaabay iyo Somaliland oo xubin ku leh (Akhriso Magacyada)

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Justin Trudeau oo ka naxay geeridii ku timid Hodan Naaleeye

Cabdi Cade