Hooyo Qaali Maxamuud Guhaad ayaa maanta sheegtay in Madaxweyne Farmaajo uu weli hortaagan yahay kiiska cadaalad helida gabadheeda Ikraan Tahliil Faarax.
Hooyo Qaali waxa kale oo ay sheegtay in uu waxba iska bedelin mowqifkii ay taagnaayeen qoyskooda ayna ku qancaan oo keliya in gabadhooda Ikraah Tahliil, ay cadaalad hesho.
“Gabadheyda Ikraan Tahliil Faarax waa in nolol lagu helo ama la helo dadkii dilay ka dibna inta maxkamad xukunto aniga oo u ujeedo Wejigooda arkaaya School Polizia lagu Toogto” ayey tiri Hooyo Qaali Maxamuud Guhaad.
Waxay xustay iney jirto hal waddo oo ay ku badbaadi karaan dadka lagu tuhunsan yahay iney ka dambeeyaan dilka gabadheeda.
“Kiiskan dadka ku lugta leh waxay ku badbaadi karaan oo Kaliya in gabadheydii oo nool la keeno, cid wax u raaca meyno markaas, gabadheena gacantaan ku dhageynaa waana wadaneynaa.”
Kiiskan ayey sheegtay inuusan weligiis ka hari doonin kuwii ku lugta lahaa oo meel kasta ay dacwo ka furanayaan iyadoo taageero ka dalbatay dadka Soomaaliyeed iyo dadyowga kale ee adduunka.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com