Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dr. Maxamed Daahir Afrax oo geeriyooday & dowlada Somalia oo War ka soo saartay

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka tacsiyadeeyey geeridii ku timid marxuum Dr. Maxamed Daahir Afrax oo ahaa  Guddoomiyihii Akadeemiyad goboleedka Afka Soomaaliga oo caawa ku xijaabtay magaalada London.

“Waxaan Qoyskiisa, asxaabtiisii iyo guud ahaan Ummadda soomaaliyeed uga tacsiyeynayaa geerida Allaha u naxariiatee Dr. Maxamed Daahir Afrax,  Guddoomiyihii Akadeemiyad goboleedka Afka iyo Guddiga dib u eegista Dastuurka” ayuu yiri Rooble

Marxuum Afrax waxa uu ahaa aqoonyahan iyo qoraa Soomaaliyeed ku xeel dheer afka iyo dhaqanka Soomaaliyeed, wax weyna ku biiriyay horumarinta dhaqanka iyo qoraalka Afkeenna hooyo.

Rooble ayaa alle uga baryey marxuumka inuu Jannadii Firdows ka waraabiyo ehelka iyo ummada Soomaaliyeedna sabir iyo Iimaan Allaha ka siiyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Indhacadde: “Imaaraadku wuxuu rabaa inuu dowladeena Somalia ula dhaqmo siduu doono”

Caydiid Ali

Wasiir Fartaag oo shaaciyey inuu socdo qorshe cusub oo ka dhan ah Al-shabaab.

Caydiid Ali

Madaxweynaha ugu Da’da yar Afrika oo xil weyn ku abaal-mariyay Saaxiibkiisa siyaasadda

Cabdi Cade