Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Muxuu Rooble kala hadlay Guddiyada Doorashada Federaalka & kan G/Woqooyi?

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kulan la qaatay Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal (FEIT) iyo kan doorashada Gobollada Woqooyi (SEIT).

Kulanka intii uu socday ayaa la iska xog wareystay halka ay marayaan howlaha u diyaar garowga doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka ku matalaya Somaliland.

Rooble ayaa dhankiisa warbixin ka dhageystay Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal (FEIT) iyo Gobollada Woqooyi (SEIT) iyagoo warbixin ka siiyay halka ay marayaan howlaha u diyaar garowga doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka ee Somaliland.

Rooble ayaa gudiyada faray iney dardar geliyaan qabashada doorashada xubnaha golaha shacabka, isagoo kula dardaarmay iney si hufan oo cadaalad ah u gutaan waajibaadka loo xilsaaray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlado sheegay in ay hayaan Cadeymo ku aadan in Iran soo riday Diyaaradii Ukraine

Cabdi Cade

Arday Dugsi Quraan oo lagu dilay qarax iyo Faahfaahino dheeraad ah oo kasoo baxaya

Cabdi Cade

Haweeney lagu soo dalacay biil koronto oo gaaraya 284 bilyan oo dollar?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---