Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Wadahadalo cusub oo u furmaya Mareykanka iyo Taliban (Maxaa looga hadlayaa?)

Mareykanka iyo Taliban ayaa mar kale wadahadal toos ah yeelanaya Sabtida maanta ah markii ugu horreysay tan iyo markii Mareykanku ka baxay dalka Afghanistan.

Saraakiil ka tirsan waaxda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa sheegay in wafdi Mareykan ah ay Sabtida iyo Axadda kula kulmi doonaan magaalada Doha ee dalka Qatar wakiilo sare oo ka tirsan Taliban.

Kulankan ayaa noqonaya kii ugu horreeyey oo fool-ka-fool ah oo heerkiisu sarreeyo tan iyo markii Maraykanku ciidamadiisa kala baxay Afghanistan dabayaaqadii bishii Ogosto isla markaana Taliban ay qabsatay dalka Afghanistan.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Talibaan oo la yiraahdo Cabdul Qahar Balkhi ayaa bartiisa Twitterka ku soo qoray “Wafdigu wuxuu kala hadli doonaa madaxda Qadar iyo sidoo kale wakiilo ka socda dalal kale xaaladda siyaasadeed iyo xiriirka hadda jira.”

Wakaaladda wararka ee Reuters oo markii hore werisay wadahadalladan, ayaa sheegtay in wafdiga Mareykanka ay ka mid noqon doonaan saraakiil ka tirsan Waaxda Arrimaha Dibadda, hay’adda USAID iyo sirdoonka.

Taliban ayaa ku dhawaaqay in Wasiirkooda Arrimaha Dibadda Amir Khan Muttaqi, oo ay weheliyaan dhowr sarkaal oo sare ay ka dhoofeen Kabul, iyaga oo ku soo jeeda Doha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wiil uu dhalay Madaxweyne caan ah oo gacantiisa isku daldalay

Caydiid Ali

Raisul Wasaare Khayre oo soo saaray amar ku socda Wasaarada Amniga gudaha (Akhriso)

Caydiid Ali

Ninka iyo Haweeneyda loogu qadarinta badan yahay Mareykanka oo la shaaciyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---