Allbanaadir.com
NEWS

Dal Yurub kuyaala oo Mamnuucaya in sharci la siiyo dadka Magangelyo doonka ah

Baarlamaanka dalka Hungary ayaa meel mariyay sharci cusub oo ka dhan ah dadka magengalyo doonka ah iyo dadka Muhaajiriinta ah ee dalkaasi gala, waxaana sharcigan cusub aad uga naxay Muhaajiriin dalkaasi kunool.

Kulan ay yeesheen Baarlamaanka dalka Hungary ayaa lagu meel mariyay sharciyo cusub oo looga hortagayo in dalkaasi kusoo galaan dadka magengalyo doonka ah ee ka kala imaanaya meelo kala duwan.

Sharciyadan ayaa waxaana ku jira qaanuun dambi iyo xadgudub ka dhigaya dadka soo galootiga sharci darrada ahi, waxa ayna dowlada sheegtay in ay ilaalineyso amaanka iyo heybta dadkooda.

Baarlamaanka dalka Hungary ayaa sidoo kale meel mariyay sharci mamnuucaya in degenaansho la siiyo dadka sharci darada dalkaasi kusoo gala, waxa ayna tani rajo beel ka dhigeysa dad badan oo dalkaasi magengalyo u raadsaday.

Sharciyadan cusub ee meel mariyeen Baarlamaanka dalka Hungary ayaa la sheegay in uu lidi ku noqonayo shuruucda u taal waddamada reer Yurub iyo qawaaniinta kale ee xaquuqul insaanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Yahya Sinwar oo ku dhawaaqay weji cusub oo dagaal ah

Caydiid Ali

Shaki wayn oo laga muujiyay tallaabadii uu qaaday gudoomiye Mursal

admin

Madaxweyne Waare ma gobolka Hiiraan kaliya ayuu maamulaa Mise ?!!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---