Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Trumo oo ka laabtay Xeer caro badan ka abuuray Gudaha Mareykanka iyo Caalamka

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump iyo dowlada uu hogaaminayo ayaa cambaareyn xoogan kala kulmay xeer uu horey u saxiixay Madaxweynaha oo lagu kala geenayay Waalidiinta iyo caruurta sida sharci dara ah ku gala dalka Mareykanka.

Gudaha Mareykanka ayuu xiisad xoogan ka abuuray xeer kan kadib markii dowlada in ka badan labo kun oo caruur ah laga qaaday waalidiintii dhalay, waxaana ficilkan si xoogan u cambaareeyay shacabka, Siyaasiyiin iyo Xildhibaanada labada Aqal.

Madaxweyne Donald Trump ayaa markii uu arkay sida loo cambaareeyay xeerkan uu horey u saxiixay shaaciyay in uu ka laabtay go’aaniii hore,  waxa uuna cadeeyay in uu si deg deg ah u saxiixi doono wareegto cusub oo waalidiinta iyo caruurtooda aan lagu kala geyn Karin.

Muuqaalo iyo Codad laga soo duubay caruur waalidiintooda laga qaaday oo iska oynaya ayaa gil gilay quluubta dad badan oo kunool gudaha dalka Mareykanka iyo Caalamka, waxa ayna taasi dhalisay cambaareyn xoogan oo loo soo jeediyay dowlada Trump hogaamiyo.

Garyaqaannada arrimaha socdaalka ayaa waxay sheegayaan in ay jiraan waalidiin badan oo dalka laga dhoofiyay iyagoo aan ciyaalkoodii la socon, waxaana xitaa jira waalidiin dalka laga dhoofiyay intii aanay helin carruurtoodii.

Afhayeenka aqalka Paul Ryan ayaa horey u sheegay in xeerkani cusub uu xal u noqonayo mushkiladan iyo dadka faraha badan ee ku qulqulaya gudaha Mareykanka ee magangelyo doonka iyo tahriibka isugu jira, kuwaa oo keentay in 2,300 carruur ah la gala haro waalidiintooda tan iyo shanti bishii May ee aynu soo dhaafnay.

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donlad Trump ayaa horey u saxiixay xeerkan oo dhigayay in xubanaha qoyska ee wada socda la kala qaybiyo inta dacwaddooda la dhagaysanayo, waxa uuna xeerkan Madaxweynaha uga gon lahaa in uu ku yareeyo dadka soo galaya Mareykanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Puntland oo War ka soo saartay qoraal la sheegay in C/wali Gaas uu u diray Madaxweyne Farmaajo (Akhriso)

Caydiid Ali

Ganacsade Soomaali ah oo caawa lagu dilay Queen-stown & burcadii ka dambeysay oo..

Caydiid Ali

Ciidamada Kumandoska & kuwa Maraykanka oo Maxaabiis ka soo furtay Al-Shabaab

Caydiid Ali
Taboola Ads ---