Allbanaadir.com
NEWS

Milatariga Soomaaliya oo soo bandhigay Sargaal kasoo goostay Al Shabaab

Taliska ciidanka Milatariga Soomaaliya gaar ahaan qeybta 60aad ayaa soo bandhigay sargaal la sheegay in uu kasoo goostay Dagaalyahanada Al Shabaab uu mudo katirsanaa.

Saraakiisha ciidanka milatariga ayaa sheegay in Aadan Shiniyow Ibraahim oo mudo 10 sano ah katirsanaa Al Shabaab xiriir kasoo sameeyay saraakiil ciidan kadibna isku soo dhiibay.

Aadan Shiniyow ayaa sheegay in uu kamid ahaa saraakiisha hoose ee Al Shabaab uuna kasoo dagaalamay gobolo badan intii uu katirsanaa Al Shabaab gaar ahaan jabahadaha kooxdaasi.

Qaar kamid ah gobolada dalka ayaa marar badan lagu soo bandhigay saraakiil iyo dagaalyahano la sheegay in ay katirsanaayeen kooxda Al Shabaab kuwaa oo la tilmaamay in si iskood ah uga soo baxeen Al Shabaab.

https://www.youtube.com/watch?v=dQ8cPURlK_s

Related posts

Tirinta codadka Wareega 1aad ee doorashada Aqalka sare ee Hirshabelle oo dhamaatay

Caydiid Ali

Wariye Caan ah oo Wareestay Jeneraal Abuukar Xuud oo Caawa la xiray

Cabdi Cade

Al Shabaab oo sheegatay masuuliyada dil loo geestay Ciise Ducaale

Cabdi Cade
Taboola Ads ---