Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Taliyaha Howlgalka Maraykanka ee Soomaaliya Kornayl Thomas Sarrouf iyo sarakiil kale.
Kulanka ayaa lagaga hadlay sidii loo dardar galin lahaa dagaalka ka dhanka ah kooxda A-Shabaab iyo tageerada howlgalka Maraykanka ee Soomaaliya.
Madaxweynaha Jubbalad ayaana saraakiisha Mareykanka uga warbixiyay dagaalka maamulkiisa kula jiro Al Shabaab waxa uuna ka codsaday saraakiishan in ay kordhiyaan taageerada ay ka siiyaan la dagaalanka Al Shabaab.
https://youtu.be/dQ8cPURlK_s