Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wado Laami ah oo laga dhisay Muqdisho oo si rasmi ah Xariga looga jaray (Sawirro)

Waxaa maanta si rasmi ah xariga looga jaray Wado laami ah oo isku xirta isgooska Baar Ubax iyo Warshada Taraqa iyo sigaarka, dhismaha wadadan ayaana mudooyinkii lasoo dhaafay si habsami leh u socotay.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Maanta Xariga ka jaray Wadadan cusub ee laamiga la saaray dibna loo dhisay.

Wadadaan oo muhiim u ahayd isku socodka gadiidka iyo dadweynaha waxaa lacagta lagu dhisay bixiyay shacabka ku dhaqan degmada Howlwadaag oo gartay in muhiim tahay dhismaha wadadan oo aheyd mid aad u bur bursaan.

Dhismaha wadadan ayaana wax badan ka tari doonta isku socodka dadka iyo gaadiidka ee isticmaala halkaasi, waxaana wadadan aheyd mid bur bursan oo xiliga uu roobku da’o dadku ku adkeed in ay maraan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/dQ8cPURlK_s

Related posts

Madaxweyne Axmed Madoobe oo magacaabay Wasiirka Maaliyadda Jubbaland (Wareegto)

Cabdi Cade

Madaxweyne Cali Guudlaawe oo xilal u magacaabay Labo haween ah (Akhriso Wareegto)

Cabdi Cade

Sacuudiga oo shuruudo cusub ku soo rogay dadka Cumrada soo gudanaya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---