Allbanaadir.com
NEWS

Jen. Odawaa oo si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Kismaayo (Sawirro)

Magaalada Kismaayo ee caasimada KMG ee maamulka Jubbalad waxaa gaaray taliyaha Ciidanka Xooga Soomaaliyeed Jen. Odawaa Yuusuf Raage iyo saraakiil uu hogaaminayay.

Jen Odawaa iyo Saraakiisha la socotay waxaa garoonka Diyaaradaha magaalada Kismaayo kusoo dhaweeyay Wasiirka Amniga maamulka Jubbaland iyo saraakiil kale oo katirsan Milatariga Soomaaliya iyo kuwa Jubbaland.

Taliyaha ciidanka Xooga Soomaaliyeed iyo saraakiisha la socotay ayaa loo galbiyay Xarunta Madaxtooyada Jubbaland waxaana halkaasi kusoo dhaweeyay kulana kulmay Madaxweyne Axmed Madoobe.

Jen. Odawaa ayaa inta uu joogo magaalada Kismaayo u kuurgali doono xaalada ciidanka Milatariga Soomaaliya waxa uuna kormeer ku tagi doonaa xaalada Ciidanka xooga Soomaaliyeed ee jooga Kismaayo iyo duleedkeeda.

Related posts

Banaan bax kale oo looga soo horjeeday dowlada oo Muqdisho ka dhacay iyo booliiska oo …

Cabdi Cade

Dil ka dhacay xarun ay degan yihiin heyado caalami ah oo ku taalla Boosaaso

Caydiid Ali

Dagaal Siyaasadeed ka dhax bilowday Midowgii Musharaxiinta ee mar wada jiray !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---