Qarax Ismiidaamin dad badan ku dhinteen kuwa kalana ku dhaawacmeen ayaa maanta xiligii salaada Jimcaha lagu qaaday Masaajid weyn oo kuyaala Koonfur Galbeed Gobolka Kunduz ee dalka Afganistan .
Masjidka Qaraxa lagu weeraray ayaa waxaa ku cibaadeesanayay dad kasoo jeeda Shiicada laga tiro badan yahay ee dalka Afganistan, waxaana qaraxa uu dhacay xili masjidka dad badan gudihiisa joogeen.
Dad ku dhaw 100-qof ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhinteen qaraxan xoogan ee lagu qaaday masjidka halka tiro kale oo badana ku dhaawacmeen, waxaana laga cabsi qabaa in khasaaraha inta hada la ogyahay kasii bataan.
Afhayeen u hadlay Taalibaan oo lagu magacaabo Zabihullah Mujahid ayaa shaaciyay in ay ka warhayaan qaraxa dadka badan ku dhinteen ee ka dhacay Masjidka, waxa uuna sheegay in goobta qaraxa ka dhacay u direen koox baarayaal ah.
Qaraxan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay oo lagu bartimaameedsado dad kasoo jeeda Shiicada tan iyo markii Taalibaan la wareegeen talada dalka Afganistan, mana jirto ilaa hada cid sheegatay masuuliyada qaraxan xoogan .
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com