Allbanaadir.com
NEWS

Mashaariic Horumarineed Oo Ka Socota Degmada Waesheekh (Daawo Sawirada)

 Madaxweynaha  Hirshabelle Dr. Maxamed Cabdi Waare iyo Madaxweyne ku xigeenkiisa Cali Cabdullaahi Xuseen Cal Guudlaawe ayaa gaaray Degmada Warsheekh, iyagoo u kuur galayay  xaaladda amni, mida bulsho ee Degmada, iyo sida ay u socdaan mashaariic laga hirgalinayo Halkaasi, waxaana safarka Ku wehlinayay madaxweynaha Wasiirka arrimaha Gudaha Hirshabelle iyo Xildhibaanno Ka Tirsan Dowlad Goboleedka Hirshabelle.
Wafdiga uu hogaaminayay Madaxweynaha ayaa waxaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyay xarunta degmada Warsheekh halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen qeybaha kala duwan ee bulshada, kuwaasi oo uu horkacayay gudoomiyaha degmada Warsheekh Mudane  Axmed Xuseen Axmed (Shiidka).
Booqashada wafdiga oo salka ku haysay ukuur-galidda mashaariicda horumarineed ee ka socda degmada Warsheekh. Sida: mashruuca Korontada ku shaqeysa Cadceedda Solar System oo Degmada Koronto siinaya mashruucaasi Oo ah midkii Ugu horeeyay Oo Dalka Laga hirgaliyay, kaasi oo heer gebogabo ah maraya, waxaana suura galiyay Fulinta mashruucaasi Hey’adda SSF iyo mashruuc kale Oo ah Qodiska Ceelka Riiga oo hada ay howshiisa socoto.
Sidoo kale gudoomiyaha degmada Warsheekh Mudane Col. Axmed Shiidka ayaa warbixin ka siiyay madaxweynaha iyo wafdigiisa mashaariichada kala duwan ee ka socda degmada Warsheekh isagoo ka sheekaeeyay gudoomiyuhu heerarki iyo marxaladihi kala duwanaa ay soo mareen mashariicdani.
Wafdiga Madaxweynaha ayaa booqday xarunta ay ka socotay shaqada Korontada ku shaqeysa Cadceeda ee Solar System, waxaana Madaxweynaha howl wadeenada ka shaqeynayay xaruntaasi oo isugu jiray Ajaanib iyo Soomaali ka dhageystay halka ay howsho marayso.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa uga mahadceliyay maamulka degmada uu bogaadiyay shacabka Warsheekh sida ay umuujiyen isku duubniada iyo wadajirka ay ugu dadaalayaan sidi ay u horumarin lahaayeen degmadooda.
Wafdiga ayaa sidoo kale dalxiis iyo booqasho ku tagay Xeebta degmada Warsheekh taas oo maalmahaan ay aad ugu soo dalxiistagayeen dad aad u fara badan kuwaasi oo ka kala imaanayay qaar ka mida gobolada dalka.
Sidoo kale Madaxweynaha Iyo Mas’uuliyiinta kale ee  LA socota ayaa kormeeray Isbitaalka Degmada iyo madaxweynaha Uu Ka dhageystay warbixin maamulka Isbitaalka, waxaana Uu sheegay Mudane Waare in baahiyaha isbitaalka Uu qabo Sida Ugu dhaqsiyaha badan wax looga qaban Doono.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamada NISA iyo kuwa Shisheeye oo howlgal ku dilay Saraakiil iyo Xubno kale oo katirsan Al Shabaab

Cabdi Cade

Dowlada Soomaaliya oo Shaacisay in Nairobi noqotay meel looga soo duulo dalka

Cabdi Cade

(Sawirro) Abiy Ahmed oo booqday xarunta cusub ee Madaxtooyada degaanka Soomaalida

Caydiid Ali
Taboola Ads ---