Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Kenya oo shaacisay ineysan aqoonsan doonin go’aanka Maxkamada ICJ ee kiiska badda

Dowladda Kenya ayaa ku dhawaaqday maanta in aysan aqoonsa doonin go’aan kasta oo ka soo baxa maxkamadda cadaaladda adduunka xilli todobaadka dambe la sugayo go’aanka maxkamadda.

Wasiirka arrimaha dibadda Kenya Macharia Kamau ayaa sheegay  inay Kenya iskaga baxday ka qeyb ahaanshaha kiiska maxkamadda horyaala ee dacwada badda taas ayaana ka dhigan in Kenya ay ogaatay runta iyo in Somalia loo xukumay badda.

Kamau wuxuu ka cabanayaa in maxkamaddu ay si cad ugu eexatay Somalia sidaas darteedna aysan ku kalsoonaann karin

Wuxuu sheegay in Kenya rumeysan tahay in khilaafka lagu xaliyo wadahadal nabadeed.

“Dacwadu waa isku day ay Soomaaliya ku doonayso inay ku xad gudubto madaxbannaanida dhuleed ee dalka Kenya taasoo bilaababatay 1969kii” ayuu yiri Wasiirka arrimaha dibeda Kenya

Xukunkan lagu dhawaaqayo 12-ka bishan ayaa la filayaa inuu soo afjaro dacwadii badda ee todobada sano ahayd ee ay Soomaaliya u gudbisay Maxkamada ICJ sanadkii 2014-kii.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Weerar Qaraxyo ku bilowday oo saakay lagu qaaday xero Milatariga Somalia ay degan yihiin

Cabdi Cade

Dowlada oo dejisay qorshe cusub oo ka dhan ah Jeneraal Xuud iyo magaalada Baladweyne !

Cabdi Cade

Shirkad Soomaaliyed oo sheegety in Hantida lagu Dhisayo Isbitaalka Sheekh Zayed Muqdisho ay tahay Hanti laga Dhacay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---