Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in duqaymo cusub ay ka dhaceen gobolka Gedo kuwaasoo lala beegsaday xoogaga Al-Shabaab.
Barta twitter-ka ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in duqaymahaasi ay burburureen afar saldhig oo ay leeyihiin Al-Shabaab meel u dhow degmada Garbahaarey.
Ciidanku waxay sheegeen in duqaymahaas inay khasaare aad ah u gaysteen Al-Shabaab inkastoo aan laga bixin
Al-Shabaab ayaan weli ka hadlin duqaymahan iyo khasaaraha ka soo gaaray, loogamana baran iney ka ka hadlaan. Sidoo kale, Ciidamada Maraykanka oo duqeymahan fuliyey ayaan weli rasmi ah ka soo saarin.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com