Wararka ka imaanaya magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in uu fashil kusoo dhamaaday wadahadalo lagu doonayay in Ahlu Sunna lagu qanciyo in si nabad galyo ah uga baxdo magaalada Guriceel oo ay dhawaan qabsadeen.
Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Galmudug una badnaa kuwii garabka Ahlu Sunna uga soo biiray ayaa dalbaday in fursad la siiyo ayna la hadlayaan hogaanka Ahlu Sunna si looga baaqsado dagaal ka dhaca magaalada Guriceel.
Sida aan wararka ku helnay Xildhibaanadan ayaana wadahadalo saacado badan qaatay la yeeshay hogaanka Ahlu Sunna iyagoona kala hadlay sidii xiisada loo qaboojin lahaa loogana baaqsan lahaa dagaal ka dhaca Guriceel iyo deegaano kale.
Xildhibaanada ayaana ka codsaday hogaanka Ahlu Sunna in marka hore ciidamada magaalada qabsaday laga saaro laguna wareejiyo magaalada maamulkii ka jiray kadibna Ahlu Sunna iyo Galmudug wada hadlaan.
Hogaanka Ahlu Sunna ayaana la sheegay in ay ka biyo diideen in magaalada ka baxaan , waxa ayna soo bandhigeen shuruudo qaarkood adag yihiin si ay magaalada uga baxaan ayna wadahadal nabadeed ula furaan maamulka Galmudug.
Xildhibaanadii waan waanta waday ayaa laga soo xigtay in ay ku guul dareesteen waan waantii ay ku doonayeen in xal looga gaaro xiisada ka taagan magaalada Guriceel oo dhawaan la wareegeen ciidamo hubeesan oo taabacsan Ahlu Sunna.
Ciidamada dowlada iyo kuwa Galmudug ayaa ku sugan deegaano duleedka ka ah Guriceel kuwaa oo wada abaabul dagaal ay ku doonayaan in ay dib ula wareegaan magaalada Guriceel, waxaana la sheegay in ciidanka ka war sugayaan amar ay bixiyaan madaxda sare.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com