Allbanaadir.com
NEWS

Gantaal lagu riday magaalada Riyadh oo hawada lagu bur buriyay 

Dowlada Sacuudiga ayaa shaacisay in hawada lagu bur buriyay Gantaal nuuca balaastika oo kooxda Xiitiyiin dalka Yaman kusoo rideen magaalada Riyaada ee Caasimada Boqortooyada Sacuudiga.

Telefishinka dowlada Sacuudiga ayaa baahiyay in hawada sare lagu bur buriyay gantaalkan laga soo riday gudaha dalka Yaman, waxaana gantaalkan la bur buriyay lagu sheegay in uu yahay nuuca loo yaqaan Burkan-2 .

Hawada magaalada Riyadh ayaa lagu arkayay qiiq iyo uuro markii gantaalka hawada lagu bur buriyay, waxa ayna dadka qaarkood sheegeen in ay maqlayeen dhawaqa gantaalkan la bur buriyay.

Kooxda Xuutiyiinta ayaa sidan oo kale horey gantaalo ugu weerartay Boqortooyada Sacuudiga gaar ahaan magaalada Riyadh, waxaana inta badan ciidamada cirka Sacuudiga ka hortagaan gantaalada Xuutiyiinta kusoo weeraran.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Nairobi-Kenya
Allbanaadir@live.com

Related posts

Aqalka sare oo digniin ka soo saaray doorashada hogaanka Koonfur Galbeed (Akhriso)

Caydiid Ali

Masuul katirsan Dowladda oo weerar afka ah ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

Cabdi Cade

Khilaaf soo kala dhax galay Madaxweynaha Puntland iyo kuxigeenkiisa

Cabdi Cade
Taboola Ads ---