Maamulka Puntland ayaa dib u dejin u sameeyey qaar ka mid ah qoysaskii maamulka Somaliland uu ka soo barakiciyey magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.
Dhismo banaanka Gaalkacyo ku yaalla ee reer Mudug u yaqaanaan Talyaaniga ayaa la dejiyay qoysas badan oo ka mid ah kuwii laga soo saaray Laascaanood ee soo gaaray Mudug, halkaas oo ay ka dhisan yihiin guryo waqti hore la dhisay.
Maamulka gobolka Mudug, kan degmada Gaalkacyo iyo qaybaha bulshadda ayaa wada dedaal lagu caawinayo dadkaan oo duruufaysan.
“Qofkii soo arka ayaa dareemi kara xaaladooda, waxaad arkaysaa dad waayeela oo haysan cid gacan qabata, hooyooyin ilma yar oo maalmo jira sida, ilmo nafaqo daro hayso iyo dad qoraxda ay ku soo safreen dhib u gaysatay wajiyadooda Bulshadda ayaa loo soo jeedinayaa iney u istaagaan caawinta walaalahood” ayuu yiri weriye ku sugan magaalada Gaalkacyo oo dadkaas booqday.
Somaliland ayaa weli wada barakicinta qoysaska ka soo jeeda koonfurta Somalia ee ku noolaa magaalada Laascaanood iyagoo ku eedeynaya iney ka masuul yihiin falal amni daro oo ka dhacay magaaladaas.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com