Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Puntland oo ka xumaatay qoraalkii ka soo baxay Midowga Musharaxiinta Somalia

Puntland ayaa ka carootay War-saxaafadeed kasoo baxay Midowga Musharaxiinta ee lagu cambaareeyey dadkii maamulka Somaliland uu kasoo masaafuriyay Magaalada Laascaanood.

Wasiiru dowlaha Caddaaladda Puntland, Ilyaas Cabdi Dinix ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in War-saxaafadeedka Musharaxiinta aan lagu xusin soo dhaweynta Puntland ay u sameysay dadkii ay Somaliland soo masaafurisay ee isugu jiray haween, Carruur, dhalinyaro iyo ad kale

“In Midowga Musharrixiintu xusi waayaan kana hadli waayaan wanaagga iyo masuuliyada Puntland iyo shacabkeedu ku qaabileen dadkii Somaliland ka soo raaftay gobolka Sool waa ayaan-daro, malaha qoladan waxaaba dhiba waxqabadka Puntland iyo iney tahay guri lagu soo dhaweeyo qofkasta oo Soomaali ah” ayuu yiri Wasiir Dinix.

War-saxaafadeed kasoo baxay Midowga Musharaxiinta ayaa lagu sheegay inay aad xun yihiin dadka laga soo masaafuriyey Somaliland, iyagoo falkaas ku tilmaamay mid xadgudub ah oo lagula kacay dad Soomaaliyeed, iyagoo ugu baaqay maamulka Somaliland ugu baaqay iney joojiyaan falalkaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Akhriso Magacyada :Xubnaha Guddiga Doorashada ku matalaya Jubbaland iyo Puntland

Cabdi Cade

Dal Qaati ka taagan Shimbirka Daa’uuska & sharci lagu leynayo oo la soo saaray (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Dhuusomareeb kula kulmay guddoonka labada Aqal (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---