Allbanaadir.com
NEWS

Bankiga dhexe ee Somalia oo shaaciyey nambarada lacagaha dalka loo soo daabacayo

Guddoomiyaha Bankiga dhexe ee Soomaaliya  Bashiir Ciise Cali oo maanta la hadlay Warbaahinta, ayaa ka warbixiyey Lacagta cusub ee Shillin Soomaaliga ah ee dalka loo soo daabacayo iyo hawlaha lagu horumarinayo Bankiga dhexe ee dalka.

Bashiir Ciise Cali ayaa sheegay in Lacagta cusub ee dalka loo soo daabacayo ay ka kooban tahay qeybo badan, isagoo tilmaamay in lacacagtaasi ay tahay mid ay adag tahay in koobi laga sameeyo oo lagu been abuurto.

“Lacagta Cusub waxay ka kooban tahay Afar qeybood oo kala ah  1,000 Sh.so, 2,000 Sh.so, 5,000 Sh.so iyo 10,000 Sh.so, Lacagta Cadadka ugu badan ee la soo daabacayo waa 1,000 Sh.so (Kun Shillin Soomaali), waxaa ku xigga 2,000 Sh.so (Labo Kun Shillin Soomaali), waxaa ugu cadad yar  5,000 Sh.so iyo 10,000 Sh.so (Shan Kun iyo Toban Kun oo  Shillin Soomaali ah), Marka ugu horreeysa afartaas qeyb ayaa lasoo saari doonaa” ayuu yiri Guddoomiyaha Bankiga dhexe.

Guddoomiyaha Bankiga dhexe ee Soomaaliya, Mudane Bashiir Ciise Cali, ayaa dhanka kale sheegay in xiligii dib loo howl galiyey Bankiga dhexe ay kasoo wareegtay Toban sano, ay u qabsoontay waxyaabo badan oo horumar ah, isaggoo carabaabay in hadda ay ku guda jiraan Casriyeynta habka shaqo ee Bankiga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Orodyahan caan ah oo tartanka orodada looga mamnuucayo hal arrin darteed !

Cabdi Cade

Ciidamada Mareykanka oo duqeyn ka geystay koonfurta Somalia

Caydiid Ali

Xabad joojin looga dhawaaqay dalka Liibiya iyo sababaha soo dedejiyay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---