Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa booqday xarunta safaaradda DFS ku leedahay magaalada Doha ee dalka Qatar.
Rooble ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee safaaradda, waxa uuna Raisul Wasaaraga warbixinna ka dhageystay safiirka Soomaaliya u jooga Qatar iyo howl wadeennada safaarada.
Raisul Wasaaraha ayaa howlwadeena safaarada iyo safiirka ku bogaadiyay shaqada ay u hayaan dalka iyo dadka Soomaaliyeed ee kunool dalka Qatar.